Ramos Oo Huriyay Dagaalka Suuqa Ee Madrid Derby, Hadii Zidane Uu Joogi Doono Sanadka Dambe & Muhiimadda Kulanak El-Clasico.

0
1292

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa wax laga weydiiyay arimo badan oo quseeya Real Madrid kadib kulankii ay barbaraha la galeen Atletico Madrid, wuxuuna dab kusii shiday wararka Antoine Griezmann la xiriirinaya Real Madrid.

Sidoo kale Sergio wuxuu ka hadlay muhiimadda kulanka El-Clasico ee 23-ka April ku dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Los Blancos, si la mid ah mustaqbalka tababare Zidane ayaa wax laga weydiiyay inkastoo uu ka gaabsaday.

“Waan arki doonaa, saxiixyada nuucaas ah waxey sameynayan cinwaano badan, waa ciyaariyahan weyn kaas oo isku qeexay sanado yar” Ayuu yiri Ramos oo la hadlayay saxaafadda. 

Albaabkar Madrid mar walba wuu u furan yahay ciyaartoyda waaweyn”

Dhanka kale Sergio Ramos ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka Zidane iyo hadii uu xili ciyaaredka dambe sii nagaan doono madama uu macalinka reer France qudhiisa shaki galiyay waayahiisa Santiago.

“Ma ahi qofka ku haboon inuu ka hadlo mustaqbalka tababaraha, dhamaadka xilli ciyaareedka, koobabka ayaa wax walba go’aamin doona.

Ugu dambeyntiina Sergio ayaa ka hadlay waxa uu kaga dhignaan doono kulanka El-Clasico ee 23-ka April dhici doona.

“Wuxu noo noqon doonaa Final sida kulan walba inta u dhaxeysa hadda ilaa dhamaadka xili ciyaareedka hadii aad dooneyso inaad ku guuleysato La Liga, waa inaan joogteyno helitaanka sadexda dhibcood kulan walba”