RASMi: Neymar Oo Ganaax Seddex Kulan Garka Loo Geliyay – Wuxuu Seegi Doonaa El Clasico

0
1309

Iyadoo kooxda Zinedine Zidane ee Real Madrid ay darawal ka tahay haatan horyaalka La Liga, hamiga Barcelona ee horyaalka ayaa jug xoogan kale ay soo gaartay iyadoo Neymar laga ganaaxay inuu ciyaaro kulanka El Clasico ee 23ka bishaan ka dhacaya Bernabeu.

Guuldaradii 2-0 ee Barcelona ka soo gaartay kooxda Malaga ayaa Neymar uu qaatay jaale labaad taasoo keentay in casaan la siiyo, waxaana ay taasi keeni laheyd inuu kaliya hal kulan ganaax ku maqnaado. Balse waxa uu si kajan ah ugu sacabatumay garsooraha afaraadkii ka dib markii casaanka la siiyay, waxaana ay taasi keentay in ganaax dheeri ah dusha loo saaro isagoo seegi doona kulanka ugu weyn kulamada ee El Clasico.

Sida ay sheegeen madaxda xiriirka kubada cagta Spain, ficikii uu ku kacay Neymar waxa ay muujineysaa ixtiraamdarada uu u hayo garsoorayaasha, waxanaa ay u arkeen in ganaax seddex kulan ah ay tahay cadaalad.

Xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale seegi doona kulamada Real Sociedad iyo Osasuna.