Xiriirka kubadda cagta Argentina ee AFA ayaa shaqada ka ceyriyay tababare Edgardo Bauza kadib natiijooyinkii xumaa ee uu soo hoyay.
Edgardo Bauza wuxuu maamulay qaranka 8-kulan oo isreeb-reebka koobka Aduunka ah, balse kaliya 3-guul ayuu ka keenay taasoo keentay in shaki la galiyo kasoo qeybgalkooda koobka Aduunka 2018.
“Waxaan gaarnay heshiis, waxaan u sheegnay Bauza inaan joojinay inuu sii tababaro Argentina” ayuu yiri madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Argentina Claudio Tapia oo la hadlayay warbaahinta.
Argentina haatan waxey ku jirtaa booska 5-aad ee kala sareynta wadamada Koonfurta America, waxeyna kulan kala bax ah la ciyaari doonaan xulka kusoo guuleystay tartanka isreeb-reebka wadamada badaha hadiiba ay sidaas ku dhameystaan.
Lionel Messi ayaa seegi doona sadexda kulan ee soo aadan kadib markii FIFA ay ku eedeysay inuu aflagaadeeyay caawiyaha garsooraha kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Chile.
Ugu dambeyntiina Jorge Sampaoli ayaa loo maleynayaa inuu badal u noqdo tababaraha shaqada laga ceyriyay.