Wasaarada Amniga oo Bilawday dib u furida wadooyinka Xiran ee Muqdisho

0
959

Afahayeenka Wasaaradda Amnigga Gudaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdikamil Macalin Shukri oo warbaahinta Muqdisho maanta kula hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay bilawday qaadista dhagxaanta lagu gooyey wadooyinka waaweyn ee Muqdisho.

Cabdikamil Macalin Shukri ayaa tibaaxay in wasaaradda Amnigga talaabadii ugu horeesay ay qaado ay tahay in laga wareejiyo wax yaabaha dhibka ku ah shacabka Soomaaliyeed, maantana la bilaabay qorsha ah in wadooyinka Muqdisho laga qaado dhagaxaanta.

Inta badan wadooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadwenaha ayaa waxa ku xiran dhagaxaan waa weyn, waxaana isbadal ku keeni dontaa isku socodka Magaalada hadii la dhaqan galiyo.