Sanchez → Man City, Hazard → Real Madrid, & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

0
1932

Chelsea ayaa u muuqata mid lumineysa ciyaariyahankooda khadka dhexe Eden Hazard kaas oo 26-jir ah iyo Weeraryahankooda reer Spain Diego Costa oo 28-jir ah xagaagan. (The Sun).

Real Madrid ayaa sare u qaaday kalsoonida ay ku qabto iney lasoo saxiixan doonto xidiga reer Belgium Eden Hazard isla markaana ka dhigto saxiixa ugu qaalisan. (Mirror).

Weeraryahanka reer Spain Diego Costa ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda Chelsea sababtoo ah kuma faraxsana qorax la’aanta England. (Express). 

Weeraryahanka Antoine Griezmann oo 26-jir ah kaas oo bartilmaameed u ah Manchester United ayaa doorbidaya inuu heshiis cusub u saxiixo Atletico Madrid. (Mirror).

Manchester City ayaa si layaab leh ugu dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka 28-jirka ah ee reer Chile Alexis Sanchez. (Cooperativa).

Liverpool, Tottenham iyo Chelsea wiilka bartilmaameedka u ah Youri Tielemans kaas oo 19-jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Anderlecht kuna biiro Monaco, labada kooxood ayaana yeeshay wadahadalo guuleystay. (L’Equipe).

Madaxa fulinta Dortmund ayaa ka dhawaajiyay in Aubameyang oo 27-jir ah uu quuldareynayo dalabyada ka imaanaya Barcelona iyo Real Madrid. (Sport1)