Shax Isku Dhaf Ah Oo Laga Sameeyay Kulanka Madrid Derby, Kooxdeese Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh.

0
1126

Madrid Derby waa mid ka mid ah darbiyada hal magaalo ka dhaca kuwa ugu waaweyn, darbiyada magaalooyinka waxaa ugu waaweyn – Chelsea vs Arsenal, Man United vs Man City, Everton vs Liverpool iyo Ac vs Inter.

Balse kulankaan wuxuu dhexmarayaa galabta laba kooxood oo finalka Champions League isku yimid laba jeer – sadexdii sano ee ugu dambeysay. 

Shaxda isku dhafka ah ee laga sameeyay kulanka waxaa ciyaartoyda ugu badan ku yeeshay Atletico Madrid oo 7-xidig ku yeelatay halka Real Madrid ay ku yeelatay 4-xidig oo qura.

GOOLHAYE:

Jan Oblak: 

DAAFACYADA:

Marcelo, Ramos, Godin, Juanfran

KHADKA DHEXE:

Koke, Casemiro, Saul Niguez

WEERARKA:

Griezmann, Cristiano Ronaldo, Carrasco

Si kastaba website-ka Thestatesman ayaa soo saaray shaxdaan isagoo qiimeyn ku sameeyay bandhigyada ciyaartoyda iyo sida ay ugu lug yeesheen horyaalka La Liga kulamadii ugu dambeeyay sidoo kalana waxaa shaxdaan ay quseysaa kaliya ciyaartoyda taamka u ah waxaana meesha ka baxaya in la doorto Varane.