Sky Sports ayaa si aan looga baran u shaaciyay toban kulan oo ay si toos ah u baahan doonaan lix maalmood oo xidhiidh ee kulamada Premier Leaque-ga lagu soo gabagabayn doono bisha May. Kooxdaha hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Chelsea iyo kooxda ugu soo xigta ee Tottenham ayaa lix maalmood gudahood ciyaari doona min laba kulan waana kulamo go’aamin doona koobka Premier Leauqe-ga.
Waxa kale oo kulamadan ku jira kuwo go’aamin doona kooxaha Champions leaque-ga u soo bixi doona iyada oo ay kulamadan ku jiraan kuwo adag oo ay Man United iyo Arsenal wada ciyaari doonaan si la mid ah Man United oo markale la ciyaari doonta Tottenham. Kulamada ka bilaamaya May 12 ilaa May 18 ayaa si xidhiidh ah loo ciyaari doonaa waana kulamo aad muhiim ugu ah kooxaha ciyaari doona.
TAARIIKHDA IYO WAQTIGA LA CIYAARI DOONO KULAMADA UU SKY SPORTS BAAHIN DOONO EE BISHA MAY:
May | Kulanka | Waqtiga |
Isniin May 1 | Watford v Liverpool | 8pm |
Jimce May 5 | West Ham v Spurs | 8pm |
Sabti May 6 | Man City v Palace | 12.30pm |
Axad May 7 | Liverpool v Southampton | 1.30pm |
Axad May 7 | Arsenal v Man Utd | 4pm |
Isniin May 8 | Chelsea v Boro | 8pm |
Jimce May 12 | West Brom v Chelsea | 8pm |
Sabti May 13 | Man City v Leicester | 12.30pm |
Sabti May 13 | Stoke v Arsenal | 5.30pm |
Axad May 14 | Palace v Hull | 12pm |
Axad May 14 | West Ham v Liverpool | 2.15pm |
Axad May 14 | Spurs v Man Utd | 4.30pm |
Isniin May 15 | Chelsea v Watford | 8pm |
Talaada May 16 | Man City v West Brom | 8pm |
Arbaca May 17 | Southampton v Man Utd | 7.45pm |
Khamiis May 18 | Leicester v Spurs | 7.45pm |