Taargada Baska Bayern Munich Oo Fariin Dahsoon Oo Ka Dhan Ah Real Madrid Lagu Soo Qoray Ka Hor Kulankooda Caawa

0
1391

Iyadoo Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Bayern Munich ay hayaamayaan garoonka Allainz Arena caawa oo Arbaco ah, waxa ay raaci doonaan bas ay taargadiisa tahay mid laga shakin karo.

Haddii ay kama tahay iyo haddii kaleba ‘RM 2001’ waxa ay ka dhigantay xarfaha u horeeya ee kooxda ay caawa la ciyaarayaan ee Real Madrid iyo sannadkii Los Blancos looga reebay Champions League magaalada Munich. 

Bishii May 2001, kooxda Jarmalka ayaa gool ku badisay kulankii Santiago Bernabeu iyadoo uu u saxiixay Elber, waxaana u soo baxeen wareega xiga ka dib markii ay lugtii labaad ee Munich ay ku badiyeen 2-1.

Taargada baska Bayern Munich ay caawa qaadaneyso ayaana ah mid xusuusin doonta Real Madrid 16 sannadood ka hor inay Champions League kaga hareen iyaga dartood.

Real Madrid oo difaacaneysa koobkaan iyo Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ayaa ka mid ah kooxaha ugu cadcad sannadkan 2017 inay hantaan koobka Champions League.