Tababaraha Malaga Miguel González Oo Muujiyay Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay Inuu Gacan Siiyay Real Madrid, Maxaa Ka Dhaxeeya?

0
2038

Tababaraha Malaga José Miguel González Martín ayaa si daran ugu faraxsan guushii ay kooxdiisa ka gaartay Barcelona in ka badan faa’idada ay kooxdiisa ku qabta, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu gacan siiyay Los Blancos.

Laba gool oo ka timid Sandro Ramirez iyo Jony ayaa guuldaro loogu xambaariyay wiilasha Luis Enrique kuwaas oo la dhaafiyay fursad ay hogaanka La Liga ku qabsan kareen ka hor kulanka El-Clasico ee dhamaadka bishaan. “La Liga kuma aysan seegin Barcelona halkaan ama iney ku guuleysatay Real Madrid sababtoo ah anaga darteen” Ayuu yiri tababare Michel kadib shirkii jaraa’id ee ciyaarta kadib.

“Waa xilli ciyaareed joogto ah, waqtigaanna waxa joogtada ugu badan noqday waa hogaanka Real Madrid”

“Waxaan goor hore iri – Real Madrid uma baahna gacan, sababtoo ah waxey noqon doonaan horyaal, balse shaqsi Malaga ah oo ka yimid Madrid ayaa amaahiyay gacan” ayuu yiri isagoo is amaanaya.

Michel wuxuu shaaca ka qaaday in Real Madrid aysan gacan shisheeye u baahneen, balse uu caawiyay wiil Madrid ah waxaana xusid mudan in macalinkaan uu kasoo baxay akadeemiga Castila ka hor inta uusan u ciayarin kooxda sare intii u dhaxeysay 1982 ilaa 1996, kaliya kooxda reer Mexico ee Celaya ayuu sanadkiisii ugu dambeeyay ee 1996/97 u ciyaaray.