Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 31 aad ee horyaalka Talayaaniga Serie A waxaana jira ciyaartoy badan oo ilaa hadda ku tartamaysa gool dhalinta iyada oo 7 kulan oo kaliyi ay ka hadhsan tahay xili ciyaareedka 2016/17. Kulankii ugu danbeeyay kulamada 31 aad ee Serie A ayaa hadda dhex maraya kooxaha Lazio iyo Napoli iyada oo ilaa hadda ay Napoli hogaanka ku hayso 2:0 waxaana goolashan udhaliyay u dhaliyay José Callejón iyo Lorenzo Insigne.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa miiska kala saraynta gool dhalinta Serie A iyada oo waliba aanu diin balan qaadayno in haddii kulanka hadda socdaa uu saamayn ku yeesho shanta gool dhaliye ee ugu sareeya aanu isla marka ay ciyaartani dhamaato dib idiinku soo dari doono.
Gool dhaliyaha kooxda AS Roma ee Edin Dzeko ayaa qaadanaya xili ciyaareedkan layaableh wuxuuna ilaa hadda soo dhaliyay 24 gool waxayna isku mid yihiin Andrea Belotti kaas oo kooxda Toni ilaa hadda u soo dhaliyay 24 gool. Edin Dzeko iyo Andrea Belotti ayaa ilaa hadda ah xidigaha sida tooska ah u tartamaya waxayna sidoo kale qayb ka yihiin kabta dahabka ah ee Yurub iyaga oo min hal gool ka hooseeya Lionel Messi.
Gonzalo Higuain ayaa ilaa hadda soo dhaliyay 21 gool halka Mauro Icardi uu leeyahay 20 gool waxaana sidoo kale 20 gool soo dhaliyay Dries Mertens kaas oo wali kulanka Lazio haysta fursad uu goolashiisa ku sii dheeraysan karo haddii uu Napoli wax goolal ah u dhaliyo.
MIISKA KALA SARAYNTA GOOL DHALINTA SERIE EE KADIB KULAMADII 31 AAD:
KAALINTA | CIYAARTOYGA | KOOXDA | GOOLASHA |
---|---|---|---|
1 | Edin Dzeko | AS Roma | 24 |
2 | Andrea Belotti | Torino | 24 |
3 | Gonzalo Higuaín | Juventus | 21 |
4 | Mauro Icardi | Internazionale | 20 |
5 | Dries Mertens | Napoli | 20 |
6 | Ciro Immobile | Lazio | 18 |
7 | Alejandro Gómez | Atalanta | 14 |
8 | Nikola Kalinic | Fiorentina | 14 |
9 | Marco Borriello | Cagliari | 14 |
10 | Carlos Bacca | AC Milan | 13 |
11 | Lorenzo Insigne | Napoli | 12 |
12 | Mohamed Salah | AS Roma | 11 |
13 | Diego Falcinelli | Crotone | 11 |
14 | Marek Hamsik | Napoli | 11 |
15 | Cyril Thereau | Udinese | 11 |
16 | Giovanni Simeone | Genoa | 10 |
17 | Federico Bernardeschi | Fiorentina | 10 |
18 | Iago Falqué | Torino | 10 |
19 | Luis Muriel | Sampdoria | 10 |
20 | Ilija Nestoroski | Palermo | 10 |
21 | Radja Nainggolan | AS Roma | 9 |
22 | Ivan Perisic | Internazionale | 9 |
23 | Gregoire Defrel | Sassuolo | 9 |
24 | Duván Zapata | Udinese |