Wasiirka Amniga oo Xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Booliska degmada Xamar Weyne

0
834

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ( Ducaale ) oo Kormeeray xalay qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Saldhiga Degmada Xamar Weyne.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib  markii Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Xamar Weyne uu ka maqnaa Xarunta Saldhigaasi.

Waxaana Wasiirku u Magacaabay Xilkaas Sarkaal kale oo isagoo Saldhiga ku sugan uu ugu tagay islamarkaana gudanaya howshiisa.

Si kastaba Wasiirka Amniga Xukuumadda Cusub ayaa dadaal ugu jira sidii Amni uu ugu soo dabaali lahaa deegaanada dowladda Soomaaliya ay ka arrimiso oo ay ugu horreyso Caasimadda Muqdisho.