Wasiirka Warfaafinta: “musuq maasuq iyo maamul xumo ayaan xilka uga qaaday agaasimihii wasaaradda”

0
1716

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaqo ka fariisin ku sameeyay qaar ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu ugu horreeyay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta.

C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa waxaa uu Bartiisa Facebook  ku soo qoray in uu maanta xilka ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirasaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo agaasimaha maamulka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha. 

Yariisow waxaa uu sababta ku sheegay in ay tahay musuq maasuq iyo maamul xumo uu ku arkay Ragga uu maanta xilka ka qaaday.

Waxaa uu sidoo jkale magacaabay Agaasimayaasha TV-ga iyo Radiyaha Dowladda oo loo kala magacaabay liibaan Cabdi Cali oo TV-ga ah iyo C/Fitaax Daahir Jeyte oo loo magacaabay Raadiyaha Dowladda.

sidoo kale waxaa uu si kumeel gaar ah xilka Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta ugu magacaabay C/Raxmaan  Yuusuf Al-Caddaala,oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.