Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga oo DF ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeelato Walxo Qarxo oo ka soo dega Dekedda Muqdisho.

0
701

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Laamaha Ammaanka in il gaar ah ay ku eegaan Agabyada kala duwan ee ka soo dega Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu  hoosta ka xariiqay Ex Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed in mararka qaar waxyaabaha Dalka Dibaddiisa laga keeno ee ka soo dega Dekedda Muqdisho lagu soo dhex qarxiyo Walxo Qarxo.

Sidoo kale Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in intii uu ahaa Wasiirka Amniga ay qabteen Konteenaro walxaha Qarxo lagu soo qariyay ee ka soo dagay Dekedda Muqdisho.

Halkaan ayuu ka sheegay Mr Cabdirisaaq Cumar Maxamed Munaasabad ka dhaceysay Magaalada Muqdisho oo xilka uu ugu Wareejinayay Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi.