WFP oo baareysa Qarax shaqaale ka tirsan loogu geys

0
888

Hay’adda Cuntada Adduunka Ee WFP ayaa sheegtay inay wado Baaritaan ku aadan Qarax la sheegay in lala Eegtay Shaqaale Hay’adeeda ka mid ah.

Waxa Koox Baarayaal ah loo saaray in arintaan ay dabagal kusameeyaan iyadoo weerarka uu dhacay Galab-nimadii Axada Ee Todobaadkaan.

Labo ka mid ah Ilaalada Shaqaalaha WFP ayaa dhaawac uu soo gaaray sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah oo Qaramada Midoobey Katirsan.

Dableey Hubeysan ayaa weerarka waxay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho walaw aan la sheegin goobta rasmiga ah ay Wax ka dhaceen.

Afhayeen uhadlay Hay’ada WFP oo lagu magacaabo Amuur Almagro ayaa sheegay in Qarax dhulka la geliyey lala Eegtay Shaqalaha Hay’ada,meel 100 Mitir ujirtay Gaarigii ay la socdeen.

Qaraxa ayaa Axaddii la soo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa Degaannada Garasbaalleey iyo Weydoow ee duleedka Muqdisho,halkaas oo ay labo ka mid ah shaqaalaha ku dhaawacmeen.