Xildhibaan Ka tirsan Barlmaanka oo Codsaday in La Cadeeyo Maqaamka Muqdisho

0
809

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah xubnaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Golayaasha dowladda ay cadeeyaan maqaamka siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho.

Cabdirashiid Xidig ayaa tilmaamay in dhamaan Howlaha dowladda ay ka socdaan Magaalada Muqdisho, isla markaana in la dafiro aysan habooneyn.

Waxa uu sheegay in Amarada dowladda ay ka fulaan inta ka dhexeysa labadda Kaantarool ee laga soo galo Magaalada Muqdisho, taana ay sharaf dhac ku tahay Madaxda dalka, loona baahan yahay in wax badan laga qabto arrimahaasi.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay xildhibaanada barlamaanka ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Gudoonka sare ee Barlmaanka Soomaaliya ayaana sheegay in kulan gaar ah ay arrimahaasi uga doodi doonaan.