Zinedine Zidane Oo Wajahaya Xaalad Adag Oo Difaaca Dhexe Ee Koooxdiisa Ah Iyo Sababo Uu Xili Ciyaareedka Los Blancos Ku Xumaan Karo

0
1243

Todobaadkii hore tababare Zinedine Zidane ayaa haystay kooxdiisa oo dhamaystiran waxaana loo arkayay mid aad muhiim ugu ah kulamada bishan April ee ay Real Madrid ciyaarayso. Waxaa kulankii Alaves uu dhaawac ku soo gaadhay Raphael Varane kaas oo 10 daqiiqo oo kaliya ciyaaray inkasta oo uu ka soo laabtay dhaawac waqti dheer ahaa. Raphael Varane ayaa seegay kulankii Madrid Derby balse wax dhibaato ahi may jirin wuxuuna Zidane haystay doorashooyin badan. 

Laakiin xaalada ayaa sii xumaatay markii uu Pepe laba feedhood ka jabay kulankii Madrid Derby ee Santiago Bernabeu taas oo sabab u noqotay in difaaca ree Portugal uu muddo bil ah ama ka badan uu garoomada ka maqnaan doono. Real Madrid oo xalay wabrixin caafimaad ka soo saartay xaalada Pepe ayaa xaqiijisay in uu ka jabay feedhaha 7 aad iyo 8 aad waana markii labaad ee uu kulan Madrid Derby ah feedhaha kaga jabo balse markan Toni Kroos ayaa jilibka ku dhuftay oo sabab u ahaa in Pepe uu garoomada ka maqnaan doono. 

Sidaa daraadeed, Zidane ayaa hadda ku tiirsanaan doona adeega Sergio Ramos iyo Nacho Hernandez oo kaliya basle waxaa iyaga laftooda ka jira walaac ah in ay min hal kulan ganaax ku seegi doonaan. Sergio Ramos ayaa haddii uu kaadha digniinta ah qaato kulanka Bayern Munich ee Champions Leaque-ga waxa uu seegi doonaa kulanka lugta labaad ee Bernabeu kooxdiisu ku soo dhawayn doonto Bayern Munich taas oo ah halis wayn oo Zidane walaac ku haysa. 

Laakiin dhinaca kale Nacho ayaa isna halis wayn ugu jira in uu hal kaadh oo digniin ah qaato kulanka Sporting Gijon ee sabtida taas oo keeni karta in uu seego kulanka El Clasico-da. Iyada oo sidoo kale Dani Carvajal uu seegayo kulanka Sporiting balse Crisitano Ronaldo uu isna hal kaadh oo digniin ah u jiro in uu El Clasico-da sego, ayuu Zidane wajahayaa waqti adag gaar ahaar difaaca dhexe oo uu hadda ku haysto kaliya Ramos iyo Nacho.