Zlatan Ibrahimovic: Waxaan Ahay Sida Benjamin Button, Waxaan Dhashay Anigoo Da’ Weyn Waxaan Dhimanayaa Anigoo Da’ Yar

0
1313

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay inuu dareemayo sida Benjamin Button ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii 28aad ee xilli ciyaareedka kulankii ay ka badiyeen maanta oo Axad ah kooxda Sunderland.

Ibrahimovic oo 35 sanno jir ah ayaa goolasha laga dhaliyay Sunderland furay, waana gooldhaliyaha ugu sareeya Manchester United xilli ciyaareedkan, waxa uu 18 gool ka sareeyaa xiddiga ku soo xiga ee Juan Mata, waxaana uu kaalinta afaraad kaga jiraa tartanka gooldhalinta Premier League.

Isagoo u hadlayay Sky Sports ka dib ciyaarta, Ibrahimovic ayaa sheegay in da’diisa aysan walaac ku heynin, islamarkaana uu dareemayo da’ yari. 

Maanta guul fiican ayay aheyd, waa inaan diirada sii saarno oo aan sii shaqeyno, waa inaan sii wadno aaminaadeena ah inaan u soo bixi karno Champions League, waan aaminsanahay, waxaana sameyn doonaa wax walba oo aan ku gaari karno afarta kaalimood ee ugu sareysa.

“Maalinta ugu danbeysa kooxda fiican ayaa badin doonta sidaasi darteed kulankaan waxa uu ahaa kulan fiican, waxaan helnay 1-0 iyo casaankii. Ma aanan arki karin haddii ay casaan aheyd iyo haddii kale laakiin garsooraha waa uu bixiyay, ka dibna waxaan ku ciyaarnay anagoo hal ciyaaryahan dheer. Mararka qaar waa ay dhib badan tahay laakiin mararka qaar waxa ay ku siineysaa faa’ido sababtoo ah waxaad heysataa hal ciyaaryahan oo dheeri ah.

“Si adag ayaan tababar u sameeyaa. Nafteyda aaminaad ayaan ku qabaa, waana ogahay wax aan awoodo inaan sameeyo. Walwal ma qabo. Ilaa iyo inta da’daada ay sii weyn tahay waa khibrada oo kuu sii korodha, waqtina isagama dhumeyneysid waxyaabo aadan u baahneyn. Waxaan dareemayaa sida Benjamin Button. Waxaan dhashay anigoo da’ weyn, waxaan dhimanayaa anigoo da’ yar.”

Benjamin Button waa filim ka hadlaya shaqsi dhashay isagoo da’ weyn oo oday duq ah islamarkaana mar kasta oo ay da’da u korodho noqonaya qof da’ yar ilaa uu gaaro heerkii caruurnimada.