Gabadha ugu Miisaanka Culus dunida oo..

0
18702

Haweenay reer Masar ah oo la rumaysnaa in ay ahayd qofkii ugu miisaan badanaa adduunka ayaa ka soo tagtay Isbitaal ku yaalla Hindiya iyadoo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay ka yareeyeen in ka badan 250kg.

Eman Abd El Aty ayaa la sheegay in culayskeedu uu ahaa ku dhawaad 500kg, diyaarad khaas ah ayaana Hindiya lagu geeyay si loo soo daweeyo.

Hadda waxay u soo duushay Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u hesho dawayn dheeri ah, waxay hadda soo raaacday diyaarad rakaab oo ay dad kale la saaran yihiin.
Dhakhtarkii qalay oo ku takhasusay cayil dhimidda ayaa sheegay in ay “khalad” ahayd in la sii qaado.

Joogitaankeedii maalmihii u dambeey Hindiya waxaa hareeyay muuqaal ay walaasheed Shaimaa Selim soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku sheegtay in walaasheed aysan wali awoodin in ay hadasho ama dhaqdhaqaaqdo isla markaasna uusan ka dhicin hilib badan sida ay sheegeen dakhaatiirtu.