Waxaa maanta Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga Lagu daahfurey jaamacad cusub oo la magac baxey “New Generation University”.
Waxaa xaflada furitaanka jaamacadan ka soo qeyb galey Mudane Daahir Maxamud Geele Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Iyo howlwadeeno ka socdaa safaarada.
Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qeyb galey marti Sharaf kale oo isugu jira culumaa’udiin, dhalinyaro Iyo dadweyne ka kala yimid magaalooyinka u dhow Riyadh.
Jaamacadan cusub ayaa loogu tala galey in dhalinyarda Soomaaliya ay duruusta ku qaataan habka online ka ah, ayagoo guryahooda jooga
Maadooyinka jaamacadan Laga baranaayo waxaa ka mid ah Cyper security, computer programming, networking iwm.