Madaafiic lagu weeraray saldhig ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Xudur

0
801

Wararka ka imanaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ay weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday xalay ku qaadeen saldhig ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in madaafiicdan lagu garaacay halka loo yaqaan Burayaasha oo ka tirsan degmada Xudur.

Weriye ku sugan degmada Xudur ayaa u sheegay weriyaha jowhar.com in xalay ay maqleen dhowaaqa madaafiicda balse ay garanayn halka ay ku wajahnaayeen.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia ay ka jawaab celiyeen madaafiicda lagu soo ridey.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Xudur oo ku saabsan madaafiicda lagu weeraray xalay degmadaas.

Jowhar