Maleeshiyaad ka tirsana Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed

0
914

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom), ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen subaxnimadii 24-kii December 2017-ka koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-malseehiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya,meeshana laga saaro iney kooxaha Argagixisada nabad ku noolaadaan.

Mareynkanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya (SNSF), ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan Argagaxisada,goobaha ganbaadka u ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka intuba.

Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balaan qaaday iney siinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM iney siinayaan tagaarada dagaalka dhanka ah Kooxaha Argagixisada.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgalo ka wada gobollada dalka kuwaasoo bur buriyay saldhigyo kooxaha argagixisada ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka,islamarkaana horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaarijiyay howlgaladaasi.