Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa soo kordhayay maleeshiyaadka ka tirsan al-Shabab ee isu soo dhiibaya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maleeshiyaadka dhawaan isa soo dhiibay waxaa ku jira laba sarkaal oo gobollada Koonfur Galbeed si weyn looga yaqaan.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay abaanduulaha ciidanka Koonfur Galbeed, Cabdullahi Isaaq Ibrahim.