Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada Saaka Sool

0
865

Wararka saakay oo Isniin ah ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland iyo Somaliland ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaannao kamid ah gobolkaasi.

Xiisaddan ayaa dib u bilaabatay kadib markii Labada dhinac ay shalay si kooban ugu dagaallameen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamo badan oo Labada dhinac ah ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxay gaareen aagga Tukarraq, halkaasi oo cabsi dagaal ay ka bilaabatay.

Waxgaradka Sool ayaa horey u sheegay iney ku guul dareysteen waan waan ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland, taasi oo ka dhiggan in xilli walbo la filan karo dagaal.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay ciidamadan dhaqdhaqaaqyada ka wadaan ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladda saakay ay tahay mid kacsan, kana duwan subaxyadii hore.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Axadle