Ciidamo Ka Tirsan Kuwa NISA Oo Xiray Mas’uuliyiinta Xisbiga Wadjir

0
1094

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Duhurnimadii maanta Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale iyo Xoghayaha Xisbigaasi Sayid Cali Macallin Cabdulle.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa xaqijiiyay xariga lagula kacay mas’uuliyiintaasi.

Waxaana uu sheegay in Ciidamada NISA ay kaxeysteen, xilli ay shir ku lahaayeen Hotel Makka Al- Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Warar hoose oo heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Mas’uulyintaasi shir Saxaafadeed looga soo horjeedo Dowladda ay ku lahaayeen Hotelkaasi.

Ma cadda illaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee loo xiray mas’uuliyiinta Xisbiga Wadajir.

Balse waxaa muddooyinkii dambe la sheegay in ay wadeen Dawcad ka dhan ah Madaxda DFS, taas oo la xariirta weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/ Shakuur Warsame.

Radio Shabelle