Golaha Badbaadad K/ Galbeed Oo Eedeyn U Jeediyay Shariif Xasan

0
862

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay in dhismaha Golaha deegaanka oo uu maalmihii dambe ka waday qeybo ka mid ah deegaanada Maamulkaasi uu ka leeyahay dano Siyaasadeed.

Afhayeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Bashiir Maxamed Aadan oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamy in Madaxweyne Shariif Xasan uu doonayo in muddo kororsi uu sameysto, maadaama uu sii dhamaanayo waqtigiisii xil heynta.

Waxaana Afhayeenku uu tilmaamay in dar dar xoog leh uu ku wado dhismaha Golaha deegaanka ee Maamulkaasi Koonfur Galbeed Somaaliya.

Shabelle