Trump oo isku dayay in uu eryo Robert Mueller

0
1029

Madaxweynaha Maraykanka ayaa amray in shaqada laga ceeyriyo dacwad oogaha gaarka ah, Robert Mueller bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, balse go’aankaas ayuu ka laabtay kadib markii uu garyaqaankiisa ku hanjabay in uu shaqada isaga tagi doono sida ay ku waramayso saxaafada Maraykanka.

Sharci yaqaanka Aqalka Cad Donald McGahn ayaa sheegay in ceyrinta Mueller ay yeelan doonto saamayn balaaran oo aanan laga kabsan karin, sida uu qorey wargeyska New York Times.

Mr Mueller ayaa hormuud ka ah baaritaanka fadeexadda farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka.

Waxa uu horey agaasime uga ahaan jirey hay’adda sirdoonka ee FBI, waxaana la magacaabay bishii May ee sanadkii hore si uu u baaro sheegashooyin la xiriira wadashaqayn dhexmartay Trump iyo Ruushka.

Marka uu warkan soo baxayo, Trump waxa uu ku suganyahay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka dhaqaalaha adduunka.

BBC Somali