Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

0
1060

Dabley hubeysan ayaa weerar ay ku qaaday gaari nuuca raaxada ah oo marayay gudaha deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in ay dhaawaceen Darawalkii gaarigaasi, iyagoona ka xeystay, isaga oo dhaawac ah.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Kooxaha fuliyay weerarkaasi ay ku hubeysnaayeen Bastooladu, islamarkaana ay goobta uga baxsadeen gaari ay wateen.

Lama oga illaa iyo hadda sababaha ka dambeeya weerarkaasi, iyo waxa uu ahaa Qofka weerararay.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxaya Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan weerarkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaankaasi ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan weeraro qaraxyo ah.

Radio Shabelle