Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/ Hoose

0
838

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar loo aadeegaday Bam Gacmeed, islamarkaana khasaaro geystay uu Xalay ka dhaay deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in weerarkaasi lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa goob lagu iibiyo Qaadka oo ku taalla deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee m/ Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 5 Qof oo shacab ahaa.

Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkaasi.

Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaasi.

Balse Ciidamada DFS ayaa la sheegay in howlgallo ay ku soo qab qabteen tiro dad ah ay ka sameeyeen halkaasi.

Radio Shabelle