Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa soo buux dhaafiyay saaka Wadooyinka soo gala Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Sidoo kale ciidamadaan oo aad u hubeeysan ayaa lagu arkayaa Contoroolada gaadiidka ay ka galaan madaxtooyada.
Ciidamada ayaa si feejigan u baaraya gaadiidka iyo dadka galaya madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Albaabada laga soo galo Madaxtooyada oo ah ilaa 4 Albaab ayaa si feejigan ciidamadu u joogaan saaka.
Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii jimcihii qarax uu ka dhacay mid kami ah contorolada laga soo galo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Somaliweyn