Kala shaki soo kala dhax galay ciidanka dowlada ee ka howlgala Muqdisho

0
1297

Ciidamada dowlada ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo kala dhax galay kala shaki, kadib weerarkii habeen hore dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo xirnaa dareeska ciidanka dowlada ka fuliyeen Muqdisho.

Dableydii hubeesneyd ee Al Shabaab ayaa xirnaa dareeska ciidanka booliiska , waana mida hada keentay in ciidamada aysan isku dhaafin dareeska oo suurto gal tahay in dad kale soo xirtaan.

Koontaroolada laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana koontarooladaasi laga celinayaa ciidamada hubeysan ee la aqoonsan waayo.

Waxaa wali jirta cabsi laga qabo in rag kale oo xiran dareeska Ciidanka in ay weeraro ka geesan karaan Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidamada amar ku bixiyeen in aan darees la isku fasixin.

Dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo marar badan weeraro ka geestay magaalada Muqdisho ayaa xirnaa dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada sida Milatariga, Nabad sugida iyo Booliiska.

Allbanaadir