La-taliliyaha Madaxweynaha JFS iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaalo nabadeed ka Wada

0
1371

Wadahadaladaan Dib u heshiisiinta ah ee lagu dhex dhexaadinayo Dhinacayada Beelo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa Garwadeen ka ah Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo uu ku matalayo La taliyaha Madaxweeynaha ee Dhinaca diinta, iyaddoo Maamulka Galmudug oo
door weyn ku leh wadahadaladaasi ay uga qayb galeen Wasiirka Dastuurka iyo wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose.

Waxaa lagu Guulaystay in Gogol nabadeed loo Fidiyo waxgaradka iyo odayaasha Beelahii ay xiisadu u dhaxaysay, iyaddoo la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo xiisada, islamarkaana la dhaqangaliyo dadaalada Nabadda ee Bulshada labada Dhinac.

Sheekh abuubakar bashiir cabdulaahi, La taliyaha Madaxaweeynaha ee dhinaca diinta, ayaa sheegay in Deegaano u dhaxeeya Caabudwaaq iyo cadaado oo ka Tagaanayd xiisad beeleed u dhaxaysa dadka deegaanka ay ku guulaysteen inay xaliyaan, iyaddoo Dadaalo lagu dhamaystirayo nabadaynta Beelahaasi ay ka bilaabmen Magaaladda Cadaado, La taliyaha ayaa intaa ku daray inay kulan ay u qabteen odayaasha iyo waxgaradka Labada dhinac ee Dagaalamay.

Maamulka Galmudug, ayaa dadaaladaasi nabadeed door ku lahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Galmudug, Cumar maxamad diiriye Guureeye, ayaa boggaadiyay Dadaaladii socdaalka Nabadda ee Madaxweynaha Soomaaliya uu Ku maray Degaanada Maamulkaasi Gaar ahaan Dhagaxdhigga, mashaariic horumarineed oo hirgalinteeda ay ka socdaan Magaalada hobyo.

Cumar maxamad diiriye, ayaa intaa ku daray in kulankii Maanta la isku afgartay in Dhammaan Deegaanada Miyiga ah oo ku soo noqnoqdeen xiisadaha ka dhashay dhul daaqsin ay odayaasha iyo waxgaradka Deegaanku ku baxaan, si xal Nabadeed looga Gaaro oo kama danbays ah waxii ka danbeeyana
Gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo xisadahaasi loo qabto Golaha Guurtida Deegaanada ay dirirtu ka dhacday ee Caabudwaaq iyo Cadaado.

Maxamad Cabdi abaad oo ah wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa uga Mahaceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya doorkiisa ku Aadan Dadaalada Nabadda ee bulsho weynta Galmudug waxana uu sheegay in wafdiga Madaxweeynaha uu u xilsaaray Hawlaha Nabadaynta ay ku guulaysteen in la dardargaliyo Qorshaha Nabadaynta Gobolka galgaduud, waxaa uu intaa Ku daray in odayaasha iyo waxgaradka Beelahii ay isku afgarteen in loo Hiiliyo Nabadda bulshadda .