Labada waraaq we lifaaqa Ku jira, Fadlan

0
910

Shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiise, Mudane C/raxmaan Ducaale Byle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kaga hadlay waxqabadka wasaaradda bisha Febraayo,warbixin hay’adda Lacagta adduunka ay ku ammaantay horumarka ay dowladdu ka sameysay hanaanka maamulmaaliyadeed  ee Dalka iyo wadahadalo u socda ganacsatada iyo Wasaaradda ee ku aadan bixinta Canshuuraha.

“Reporkii ugu dambeeyey ay soo saartay IMFT guud ayaan ka gaarnay,taasina waxaa ku mahadsan madaxda Dowladda SOomalaiya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo raiisul Wasaaraha,oo dalkani ay sii yeen muhiimad gaar ah in uu horumar ku talaabsado,marka kaas waaye reporkii ka oso baxay IMFTA waa wax ku ool,marka hore waxaa la yiri dhowr iyo labaatanka qof ee guddiga ugu sareeya ayaa qofkasta wuxuu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in horumar ay ku talaabsato”.Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay jiraan wada hadalo ku aadan bixinta canshuuraha oo ay kula jiraan ganacsatada