Wasiirka Amniga oo mar kale ku celiyay Amar sanad ka hor ka dhaqan geli waayay Muqdisho

0
878

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa mar kale ka digay in Hubka waa weyn lala soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo amarkan oo sanad ka hor Golaha Wasiirada soo saareen, markii dambe aanu dhaqan gelin.

Mr Ducaale ayaa ugu baaqay Ciidamada Milateriga ee ka imaanaya Gobolada Shabeelooyinka inay gudaha magaalada Muqdisho la soo galaan Hubka waa weyn, sida qoryaha dhashiikayaasha ee saaran gaadiidka iyo qoriga Dabajeexa.

“Waxaa rabnaa in aan u sheegno Ciidamada Milateriga ee ka imaanaya Labada Shabeelle, marka ay soo galayaan Muqdisho in magaalada aan lagu arki karin hubka waa weyn sida dabajeexa iyo qoryaha waa weyn ee saaran baabuurta cabdi bilaha”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu horay arrintan uga hadlay, isla markaana ka soo saaray wareegto, isla markaana loo baahan yahay in Ciidamada Milateriga ee Muqdisho imaanaya inay heystaan fasax.

Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn in magaalada Muqdisho ay noqotay furin dagaal oo lagu dhex qaato hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taas bedelkeedana magaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

Bishii May ee sanadkii hore ayaa kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada waxay ku mamnuuceen in qoryaha waa weyn aan lagu dhex wadan karin magaalada, isla markaana Mas’uuliyiinta dowladda aanay wadan karin ilaalo ka badan afar askari, taasoo aanay si rasmi ah u dhaqan gelin.

Jowhar