Howlgal gaar ah oo la sheegay in lagu soo qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0
953

Ciidamada xoogga dalka oo la sheegay inay taageerayaan Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal gaar ah ay ka fuliyeen deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu soo qabtay ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalka gaarka ah lagu soo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Shabaab, kuwaasoo uu magacyadooda ku shegay C/kariin Abuu Xamza oo ahaa Madaxii Maaliyadda Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la soo qabtay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Sheekh Muudey oo ka tirsan Amniyaadka Shabaab sida uu yiri.

Ma jirto war madax banaan oo ku aadan sheegashada Mas’uulkan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hase ahaatee muddooyinkii u dambeeyay ciidamada sida gaarka u tababaran ee xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgalo cir iyo dhul ka fulinayay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Jowhar