Ku-xigeenka Danjiraha Soomaliya ee Dalk Sacuudiga oo ka qeyb galey Mahrajaan Sanadeedka ee Jaamacada Islaamiga ee Madinah

0
1665
Ku-xigeenka Danjiraha Soomaliya ee Dalk Sacuudiga Mudane Salim Macow Xaaji ayaa ka qeyb galey Mahrajaan Sanadeedka ee Jaamacada Islaamiga ee Taiba ee magaalada Madiinah Al-munawara ee dalka Scaduudiga.
Mahrajaanka sanadkan ayaa lagu martiqaadey in ka badan 70 danjirayaal iyo diblomaasiyiin oo ardadooda wax ka barata Jaamacada Islaamiga ee Madiinah.
Mahrajaanka sanadkan oo socon doonaa mudda 10 maalmood ah ayaa waxaa xariga ka jarey Amiir Feysal bin-Salmaan bin Cabdulcasiis oo ah Amiirka xakuma magaalada Madiinah iyo nawaaxigeeda.
Amiirka oo booqdey janaaxa Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Mudane Salim Macow Xaaji iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacada ayaa qeybta ay ku leeyihiin mahrajaanka ku soo bandhigeen waxyaaba muujinaaya hidaha iyo dhaqanka dalka Soomaaliya iyo sawiro taariikhi ah.
Sidoo kale waxey halkaasi ku soo bandhigeen cuntooyin kala duwan oo Soomaaliya caan ku ah oo dadweynaha halkaasi booqanaayey oo ay aad u jecleysteen.
Dadweynaha booqdey mahrajaanka maalmihii uu socdey oo codkooda halkaasi ka dhiibanaayey ayaa Ardayda Soomaaliyeed halkaasi ku muteysteen iney ku guuleystaan kaalinta labaad oo halkaasi loogu gudoonsiiyey abaalmarin 700 riyaal Sacuudi.
Ardayda ayaa mahad gaar ah u gudbiyey Safaarada Soomaalida Riyadh, Shirkadaha dayaaradaha ee Juba iyo Daallo oo gacan ka geystey guusha ay aradayda ka hooyeen mahrajaanka.