Trump: Dunida ayuu anfici doonaa heshiiska K/Waqooyi

0
756

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay inuu heshiis la gaaro Kuuriyada Waqooyi. Hadalkan ayuu jeediyay maalin ka dib markii uu aqbalay inuu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.

Mar sii horreysay madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay in Go’aanka Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in hogaamiyahooda uu la kulmo madaxwayne Donald Trump ay tahay mid muujinaysa in takoorka iyo cadaadiska uu Mareykanka ku hayo uu shaqeeyay.

Mr Pence ayaa sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu hayo Pyongyang ilaa laga hirgalinayo hadafka ah in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.