Al-Shabaab oo sheegay inay weerareen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Caddaan ah duleedka Kismaayo

0
659

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Mareykan ah oo marayay duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo ay wehliyeen Ciidamo Kenyan ah iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Idaacada ku hadasha afka Shabaabka oo la yiraahdo Al Andalus ayaa laga baahiyay weerarka oo ku bilowday miino ay sheegeen in lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidamada la socdeen agagaarka deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii Kismaayo u jira 30KM.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa iyo dagaal toos la galeen ciidamada huwanta ee ku sugnaa agagaarka deegaanka Buulo Gaduud.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamada huwanta ay wehlinayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn in diyaaradahaas ay ka qeyb galeen dagaalka ka dhacay deegaankaas.

Deegaano ka tirsan Jubbooyinka ayaa waxaa weeraro wadajir ah ka fuliya Ciidamada Kumaandooska, kuwa Mareykanka iyo Ciidamo Kenyan ah, waxaana la sheegaa in Ciidamada Mareykanka ay saldhigyo qarsoodi ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Jowhar