DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
820

Qarax xoogan ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay Wadada xiriirisa Isgoyska nambar Afar iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cade.

Qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Barta kontorool ee Ciidanka Nabad Sugidda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo degeenka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay gaariga qarxay nuuciisa inuu ahaa NOAH oo uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay.

Warar so baxaya ayaa waxa ay sheegayaan khasaaraha qaraxan ka dhashay inuusan badneyn, maadaama Ciidamada ay ka hortageen gaariga, keliyana waxaa ku dhintay ninkii gaariga kaxeynayay.

Axadletimes