Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay ku egtahay diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golahan.
Guddoomiyaha guddigan, xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in gelinka dambe ee maata (5:00 PM) ku egtahay diiwaangelinta musharraxinta, wixii ka dambeeyana la guda geli doono howlaha kale ee jadwalka doorashada.
Waxa uu sheegay Iidow sidoo kale in hadda ay is diiwaangeliyeen 5 musharrax, cid walbo oo ka mid ah golaha shacabkana u furan tahay iney is diiwaangeliso.
Musharraxiinta is diiwaangeliyey:
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur
Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafra Gareen)
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:
GoobJoog News