Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Ku Baaqay In Laga Shaqeeyo Midnimada Soomaaliya

0
861

Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan Umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa xusay in sidoo kale ay muhiim tahay in la dhowro, laguna dhaqmo Dastuurka uu yaalla dalka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Qof walba uu xil ka saaran yahay sidii dalkan loo nabadeen lahaa.