Guddoomiye Cawad “Qal Qal Ayuu Ku Jiraa Amnigeena”

0
1097

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in qal qal uu ku jiro amnigooda.

Qoraal kooban oo uu Guddoomiye Cawad soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in khatar uu ku jiro amniga isaga iyo Jawaari, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu sheegay in la kaxeystay, lana xiray Ciidamadii ilaalinayay ammaanka xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaana loo heystaa falkii shalay ka dhacay ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Xiisada ayaa sii xoogeyneysa, iyadoona haatan kulamo siyasaasadeed oo gooni gooni ah Xildhibaanadu ay ku leeyihiin gudaha M/ Muqdisho.

RadioShabelle