Roob ka Da’ay Kenya oo Sababay Geerida Dad Badan

0
819

Roob ma hiigaan ah oo ka da’ayay toddobaadyaddii la soo dhaafay dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inay meelo kala duwan ay ugu dhinteen illaa dad ku dhow boqol qof. Roobka oo daadad soo rogay ayaa kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.

Meelaha uu roobku saameeyay waxaa ka mid ah gobolka Woqooyi Bari Kenya, oo la sheegay inuu ka go’doomay Kenya inteeda kale.

Wariyaha VOA, Maxamed Faarax Shire, ayaa warbixintan soo diray.