7 askari ka tirsan ciidanka Kenya oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Dhoobley

0
787

Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya.

Kolonyo ciidamada Kenya la socdeen ayaa waxaa lala helay qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inuu arkay dhimashada todobo askari iyo dhaawaca labo askari.

Ciidamada Kenya ayaa xilliga qaraxa lala eeganayay ku sii jeeday saldhig ciidan ay ku leeyihiin Dhoobley.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, waxaana ay ka howl galaan Gobolda Jubooyinka iyo Gedo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa miino, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.

Jowhar