Al Shabaab oo saakay Madaafiic ku garaacday Xerada Milatari ee Turkiga ka fureen Muqdisho

0
1417

Waxaa saakay salaadii subax kadib magaalada Muqdisho laga maqlay tiro madaafiic ah ay shacabku garan waayeen halka lagu weeraray, waxaana warar hada soo baxaya sheegayaan in Madaafiicdaasi lagu garaacay xerada Milatariga Turkiga ka fureen Muqdisho.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in saakay madaafiic culus ku garaaceen Xerada Milatariga Turkiga ku tababaraan ciidanka Dowlada Soomaaliya ee kutaala Deegaanka Jaziira.

Al Shabaab ayaa sheegtay in 13-Madfac ku garaaceen xeradaasi xili ciidanka Dowlada uu tababarka u bilaabanayay, waxa ayna Shabaab sheegeen in madaafiicda qaar ay gudaha ugu dhaceen xerada.

Al Shabaab ayaan wali shaacin khasaaraha ay geesteen madaafiicda ay saakay ku garaaceen xerada Milatariga Turkiga ka furteen Duleedka Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in ay dameen nalalkii xerada ka shidnaa markii madaafiicda ku garaaceen.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin madaafiicdan Al Shabaab sheegeen in ay ku garaaceen xerada Milatariga Turkiga, walina lama oga in Madaafiicdan ay ka dhasheen khasaaro iyo in kale.

AllBanaadir