Wasiirka Dekedaha maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo dhismaha Dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.
C/qaadir Cali Jaamac Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa tilmaamay in maanta Injineerada dhisaya ay u kuur gali doonaan arrimaha dhismaha Dekeddaasi.
Waxaana uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii loo dadajin lahaa qorshaha dhismaha Dekedda Hobyo oo muhiim u ah Galmudug.
Halkan hoose ka dhageyso Wareys:
RadioShabelle