Mareykanka Oo Baaraya Dhacdadii Gobolka Sh/ Hoose

0
1003

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay baaarayaan eedeymaha la xariira in Ciidamada Mareykanka ay dad Rayid ahaa ku dileen deegaanka Bulcid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Warbixintani ayaa lagu sheegay in dib u eegis ay ku sameyn doonaan Xogaha la xariira eedeymahaasi, islamarkaana ay raadin doonan macluumaad dheeraad ah oo la’isku haleyn karo, si ay u xaqiijiyaan dhab ahaan in dadkaasi ay ahaayeen Rayid.

”Waan ka warheynaa eedeymaha la xariira in dad Rayid ahaa lagu dilay weerarkaasi eedeymahasi, si dhab ah ayaan u qaadan doonaan, haddii ay dhab noqoto dhacdadaasi waxaan go’aansan doonaa tallaabada xigta ee ku haboon in la qaado ayaa lagu yiri warbixintani ”

Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka weerarkasi uu ahaa sidii ay u burburin lahaayen gabaad Xarakada Al Shabaab loogu sheegay in ay ku lahaayeen halkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee Mareykanka lagu eedeeyo in dad Rayid ahaa uu ku dilay gudaha Soomaalita, waxaana ay aheyd 25 Augusto markii Ciidamada Mareykanka lagu eedeeyay in ay in ka badan 10 Qof ay ku dileen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

RadioShabelle