Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada labada dhinac.
Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.
Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.
Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.
BBC Somali