Baarlamaanka Soomaaliya oo kala diray guddiga miisaaniyadda

0
13223

War-saxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee baarlamaanka.

Ujeeddada loo kala diray guddigan ayaa lagu sheegay in khilaaf uu ka dhex jiro guddiga maaliyadda baarlamaanka isla markaasna la baarayo iyo wada shaqeyn la’aan ka dhex taagaan xubaha guddigan.

Warqadda kasoo baxday guddoonka golaha shacabka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si deg deg ah loo soo magacaabayo guddi maaliyadeed oo cusub iyo in la qaban doono doorashada guddoon cusub.