Xildhibaano dacwad ka gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad

0
1494

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad ayaa dacwad laga gudbiyay, iyadoo lagu eedeeyay qaab qaldan uu u maamulay kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii la soo dhaafay, isla markaana ku xadgudbay xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Qoraal uu qoray Xildhibaan Mahad Salaad ayuu kaga dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu tallaabo sharci ah laga qaado, isagoo u cuskaday qodobo ka mid ah dastuurka.

Waxaa kaloo ku eedeeyay inuu Guddoomiye kuxigeenka 1aad uu siyaasadeeyay shaqooyinka Guddiyada Baarlamaanka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka ay u xilsaaran yihiin.