Dad badan oo kunool deegaanada Puntland oo laga helay cudurka Caronavirus

0
351

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay kiisas hor leh oo cudurka Caronavirus oo laga helay deegaanada maamulkaasi, waxaana sii kordhaya tirada dadka laga helayo cudurkan ee kunool gobolada Puntland.

Wasaarada Caafimaadka maamulka Puntland ayaa xaqiijisay 13 xaaladood. oo cudurka Caronavirus, waxaana kiisaskan laga helay gobolka Nugaal iyo gobolka kale ee Puntland u bixisay Karkaar.

Baaritaano wasaarada caafimaadka maamulka Puntland ku sameesay 23-qof ayaa cuduran laga helay 13-kamid ah dadkii la baaray, waxaana dadkan laga helay cudurka 10-kamid ah joogaan gobolka Nugaal.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa laga diiwaan galiyay 51-kiis oo cudurkan Caronavirus, waxaana cudurkan Puntland ugu geeriyooday hal qof halka uu ka bogsaday hal qof oo kale.

Allbanaadir